1 Xuquuqda Haweenta Muslinka ah Waxaa dhigay Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM Daaru Al Seerah P. O. Box 200984 Boston, MA 02120 U.S.A. 2 Xuquuqda Haweenta Muslinka ah Waxaa dhigay Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM Daaru Al Seerah P. O. Box 200984 Boston, MA 02120 U.S.A. 3 Tusmada Kitaabka Mawduuca Bogga 1. Tusmada kitaabka 3 2. Araarta kitaabka 4 3. Ilaahay wuxuu Banii Aadanka ka abuuray hal nin iyo hal haweeney 8 5. Xuquuqday diinta islaamku haweenka u sugtay 13 6. Ragga iyo haweenku waa u siman yihiin waajibaadka diinta 15 7. Camal suuban oo isku mid ah wuxuu leeyahay ajar isku mid ah 16 8. Asmaa’u bintu Cunays Al Khatcamiyah Allaha raalli ka ahaadee 19 9. Ilmaha Jacfar bin Abii Dhaalib iyo Asmaa’u Allaha raalli ka wada ahaadee 20 10. Xaqqay haweenka muslinka ahi u leeyihiin wax barashada 25 11.Cilmiga Caa’ishah Calayhssalaamu 31 12. Ehelkiinna naarta ka dhawra 32 13. Xuquuqda dhaqaale ee haweenka muslinka ah 33 14. Nabi Muuse iyo Nabi Shucayb Calayhimussalaamu 36 15. Xaqqa dhaxalka ee haweenka muslinka ah 39 16. Xaqqa siyaasiga ah ee haweenka muslinka ah 41 17. Labbiska gabadha muslinka ah 43 18. Inta gabadha muslinka ah jirkeeda laga arki karo 46 19. Ma bannaana in abuurista Ilaahay wax laga beddelo 49 20. Barkadaha lagu dabaasho, Sauna, xeebta badda 51 21. Taabashada nin ajnabi ka ah ee jirka gabarta muslinka ah 53 22. La hadalka nin ajnabi ka ah gabadha muslinka ah 54 23. Xaqqa guurka ee gabadha muslinka ah 56 24. Xaqqay u leedahay in lagala tashado ninka soo doonay 58 25. Masaafaysi ama la bixid 61 26. Xaqqa masruufka, marashada iyo hoyga ee haweenta muslinka ah 61 27. Xaqqa furriinka ee gabadha muslinka ah 62 28. Xaqqa haynta caruurta yaryar furriin dabadiis ee haweenka muslinka ah 63 4 Araarta dhigaha kitaabka ميحرلا نمحرلا الله مسب نوركاذلا هركذ املك نيرهاطلا نيبيطلا هلآ ىلعو دمحم انلاومو انديس ىلع الله ىلصو ،لله ءانثلاو ،نيملاعلا بر لله دمحلا اريثك اميلست ملسو نولفاغلا هركذ نع لفغو Xaqqa iyo waajibaadka qof kastoo muslin ah lagu leeyahay waxay ku qeexan yihiin Quraanka Kariimka ah iyo Sunnada udgoon ee Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam. Xuquuqdaas waxaa ka mid ah xaqqa nolosha, xaqqa wax barashada, xaqqa milkinta maalka, xaqqa shaqada, xaqqa xorriyada fikirka iyo aragtida, xaqqa doorashada iyo xuquuqda badan oo kaleba. Gabdhaha soomaaliyeed xuquuqdaas Ilaahay Tacaalaa\ىلاعت الله uu siiyay way lahaayeen, ayna heleen intay jireenba, walina way leeyihiin. Gabdhaha soomaaliyeed waa muslimaad fiican oo Ilaahay ka baqda, zinadana ka fogaada, oo sharaftooda ayay ilaalsadaan, Ilaahayna ka baqaan. Gabdhaha soomaaliyeed waa gabdho aad u fiican, diintoodana ku dheggan, xishooda oo xumaanta ka fogaada iyo waxa lagu ceebeyn karaba, mahaddana Ilaahay ayaa iska leh. Gabdhaha soomaaliyeed waa xaasas qiimo leh markay guursadaan iyo hooyooyin fiican oo caruurtooda daneeya oo sida ugu fiican oo ay karaan ugu koriya. Dawladaha sheegta inay krishtaan yihiin ee reer galbeedka ahi waxay aad ugu dadaaleen inay gabdhaha soomaaliyeed oo dalalkooda usoo qaxay ama ku dhashayba inay qalloociyaan oo ka dhigtaan hub ay haweenka soomaaliyeed oo idil, gaar ahaan kuwa Soomaaliya ku sugan, laab kiciyaan oo ay ka dhaadhiciyaan inay xuquuqi ka maqan tahay oo ay doontaan, si ay qoysaska soomaaliyeed u dumiyaan. Waxaaba jira ururro reer galbeed ah oo shaqadooduba tahay inay gabdhahaas ku milmiyaan bulshada gaalada ah oo ay la deggan yihiin. Tan iyo haddase way u suurtoobi wayday oo way ku fashilmeen: gabdhaha soomaaliyeed diin iyo dhaqan ayay leeyihiin, wayna caqli badan yihiin oo waxa wanaagsan iyo waxa xun way kala yaqaanaan, wayna isla han weyn yihiin oo qiimohooda korreeya ay ogyihiin oo ay wax usku falayaan. Gabdhaha soomaaliyeed, intaas ka sokow, way qurux badan yihiin, oo ninkii arkaba wuu jeclaanayaa. Daraasaddaan gaaban oo labaatan qaybood ka kooban, ayaan xuquuqda gabdhaha in kooban ugu sheegeynnaa, aanna kasoo qaadannay Quraanka Kariimka iyo Sunnada carfoon ee Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam. 5 Daraasadaan kuma saabsana axkaamta ka taalla qoyska iyo maamulkiisa iyo ninka iyo haweenta iyo caruurtu xuquuqda ay isku leeyihiin, waxayna ku saabsan tahay xuquuqduu Ilaahay Tacaalaa\ىلاعت الله haweenta muslinka ah siiyay oo uu u yeelay oo keli ah . Waxaanse marka hore in yar ka sheegeynaa mawqifka ay diimaha iyo dalal kale ka qabaan haweenka. Dalkaan aan anigu hadda ku noolahay ee maraykanka, haweenku waxay xaq u yeesheen inay doorashooyinka codkooda bixiyaan oo xaq siyasadeed ku yeesheen sideed iyo toban bisha Agoosto kun sagaal boqol iyo labaatanka, waana zaman boqol sano ka yar laga joogo, marka “19th Amendament” oo ah beddelaadda sagaal iyo tobnaad ee dastuurka maraykanka la saxiixay, haweenkana la siiyay xaqqa loo yaqaanno “Woman Suffrage.” Taariikhdaasu waxay ka dambaysa ku dhowaad kun iyo shan boqol oo sano markay haweenka muslinku xaqqaas lahaayeen oo uu Ilaahay Tacaalaaىلاعت الله siiyay ayna leeyihiin ilaa maalinta qiyaame ka kacayso, meeshuu haweenka maraykanka iyo kuwa yurub ay xaqqaas siiyeen ragga dalalkoodu, oo xaqqay doonaanna siinayaaan kayan rabin u diidayaan. Dalka Switzerland ilaa hadda aan joogno, waxaa jira gobollo ayan haweenku xaqqa codaynta lahayn. Bal arag wuxuu bogga (www.swissworld.org) arrinkaas ka dhigay isagoo taariikhda qadiyada haweenka xaqqa codbixinta ka warbixnaya: “Votes for women? What a ridiculous idea! Their brains are smaller than men’s, which proves they are less intellingent. They are prone to extremism, and would go out to campaign without asking their husbands’ permission. And it wouldn’t promote equality because their natural modesty would stop them going out to vote when pregnant, and since rural women have more babies than those in towns, this would give an unfair adavantage to the latter. And if women were actually elected, what a source of humiliation for their husband! They would be forced to do the cooking.” “Never mind that both chambers of the Swiss parliament gave the green light to women’s suffrage in 1958 – more than 50 years after Europe’s pioneer, Finland. When put to the people – to half the people, that is – in 1959, as required by the Swiss constitution, two thirds of them turned down parliament’s reccomandation down.” “On February 7th 1971 Swiss males, by a two thirds majority, finally gave their female compatriots their full federal voting rights.” Warkaas macnihiisu waxaa weeye: “Haweeni ha codeeyaan baa? Taasu waa fikrad lagu qoslo! Maskaxdoodu waa ka yartahay maskaxda ragga, taasoo caddaynaysaa inay ka caqli yar yihiin. Haweenku waxay u janjeeraan inay ku kacaan falal tadharruf iyo xad gudub ah iyo xag jirnimo, waxayna ololaha doorashada gelayaan ayagoo aan haysan oggolaanshaha raggooda oo ka idan qaadan. Haddii xaqqaas la siiyana taasu sinnaan ma ahanayso, maxaa yeelay xishoodkooda ayaa ka hor istaagaya inay guryohooda ka baxaan si ay codkooda usoo bixiyaan markay uur leeyihiin. Tan kale, ayadoo ay haweenka miyigu ka caruur badan yihiin kuwa magaalooyinka, waxay u dan tahay kuwa magaalooyinka deggan. Hadayba dhaco in haweeney la doorto, maxaa dulli ugu sugan raggooda, kuwaanoo ku khasbanaanaya inay ayagu cunnada kariyaan.” “Si kastaba ha ahaatee labada aqal ee baarlamaanka Switzerland wuxuu oggolaaday kun sagaal boqol sideed iyo konton inay haweenku codkooda bixin karaaan. Waxayna sidaas uga 6 dambeeyeen in ka badan konton sano dalka ugu horreeyey yurub oo haweenka siiyay xaqqa cod bixinta oo ahaa Finland. (Taas macneheedu waxaa weeye inay haweenka yurub waa dhow heleen xaqqa siyaasiga ah ee cod bixinta, ayna ugu horreeyeen haweenka Finland). Marka go’aankaas baarlamaanka Switzerland afti guud loo qaaday, siduu dastuurku leeyahay, laba dalool (ahana qiyaas 66%) oo raggu way diideen qaanuunkaas, oo noqday wax kama jiraan. Waxaana xaq u lahaa inay aftidaas codeeyaan shacbiga nuskiis oo ahaa ragga oo keli ah! Markay taariikhdu ahayd toddobada bisha Febraayo kun sagaal boqol kow iyo toddobaatanka ayay ragga dalkaasu markii afti loo qaaday ay laba dalool (oo ah 66.% qiyaas) oggolaadeen ina haweenka dalkaas xaqqa cod bixinta la siiyo.” Sidaasoo ay tahay, ayadoo uu dalkaasu yahay federaali iyo qawmiyado kala duwan, waxaa ilaa maanta jira iyo marka aniga iigu dambaysay gobollo ayan haweenku codkooda bixin karin. (www.swissworld.org) iyo warkaan waxaa iska leh Federal Department of Foreign Affaires, ahna Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Switzerland. Dalka maraykanka ninka iyo haweenta isku shaqo qabta oo shaqo buuxda ah oo sanadkoo idil socota isku lacag ma qaataan oo ninkaa lacag badan. Bogga (www.wikipedia.org) wuxuu yiri: “Gender pay gap in the United States. In the United States, the gender pay gap is measured as the the ratio of female median yearly earnings among full-time, year-round (FTYR) workers. The female-to-male earnings ratio was 0.77% in 2099, meaning that, in 2009, female FTYR workers earned 77% as much as male FTYR workers. Women’s median yearly earnings relative to men’s rose rapidly from 1980 to 1990 (from 60.2% to 71.6%), and less rapidly from 1990 to 2000 (from 71.6% to 73.7%) and from 2000 to 2009 (from 73.7% to 77.9%) (source: U.S. Census Bureau. Income, Poverty, and Health Insurance Coverage in the United States 2009 iyo “Institute for Women’s Policy Reasearch. The Gender Wage Gap: 2009.). Warkaas macnihiisu waxaa weeye: “Farqiga u dhexeeya mushaarka ragga iyo haweenka ee United States. Farqiga u dhexeeya mushaarka ragga iyo haweenka ee United States waxaa lagu cabiraa dakhliga sanadkii soo gala qof haya shaqo waqti buuxa ah (waana sideed saac maalintiiba shanta maalmood oo la shaqeeyo) (FTYR). Sanadka 2009 meeshuu ninku hal dollar ka qaato gabadhu waxay ka qaadatay 077% centi ama dhururuq taasoo macneheedu yahay wiil iyo gabar isku shaqo haya wuxuu wiilku gabadha dheer yahay qiyaas rubuc mushaar. Farqigaas intaas waa ka badnaan jray oo sanadka 1880 ilaa 1990 haweentu waxay qaadan jirtay 60.2% ilaa 71.6%, taasoo ku dhow nuska intuu ninka ay isku shaqada qabtaan qaato. Sanadaha 1990 ilaa 2000 farqigaasu wuu yaraaday oo wuxuu noqday 73.7% ilaa 77.9%.” Tirakoobkaanna waxaa bixisay dawladda maraykanka xafiiskeeda tira kobka: U.S. Census Bureau. Income, Poverty, and Health Insurance Coverage in the United States 2009 iyo “Institute for Women’s Policy Reasearch. The Gender Wage Gap: 2009.). In mushaarka ragga iyo dumarka la simo waxaa diidan oo markuu madaxweynaha maraykanku u geeyaba diida baarlamaanka maraykanka, kan xubnihiisoo ugu badan kuwa haweenka muslinka dib u dhac iyo xuqquq darro ku sheega!!! 7 Dawladda Soomaaliya shaqaaleheeda isku shaqo qabta oo isku darajo ah waa isku mushaar, wax farqi ahna kuma jiro iyo wax gabadha gooni u soocaya oo xaqqeda ka qaadaya. Encyclopaedia Britannica – Micropaedia mujalladka laba iyo tobnaad bogga toddoba boqol saddex iyo soddon wuxuu wariyay inay haweenka ingiriisku xaqqa codaynta heleen 1918 iyo 1928, haweenka Fransa 1944, haweenka jarmanka 1919, haweenka talyaaniga 1945, haweenka Sweden 1919, haweenka Australia 1902, haweenka Shiinaha 1947, haweenka Norway 1913, haweenka Kanada 1918, haweenka Soviet Russia 1917. Dhammaantood waxay dawladda islaamka ka dambeeyeen ku dhowaad kun iyo shan boqol sano. Ugu dambaystii gabdhuha wuxuu Ilaahay siiyay oo ay xaq u leeyihiin, oo ragga muslimka ahi siiyaa, ixtiraam iyo xushmayn wayn. Xeer soomaaligu waa adkeeyay ciqaabta ninka haweeney ka boohiya: Kitaabka la yiraahdo “Xeerkii Soomaalidii Hore” waxaa dhigay Axmad Sheekh Cali Axmad (Buraale), waxaana daabacday “Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare – Akadeemiyaha Dhaqanka” ee Soomaaliya sanadka kun sagaal boqol toddoba iyo toddobaatan Miilaadiga, waxaana lagu daabacay Muqdisho. Buraale wuxuu bogga toddoba iyo sodoon ku yiri: “Dumarka oo laga oohiyo ama loo gaysto wax aan kufsad ahayn wuxuu ahaan jiray mid ku dhow kufsashada, waxaana la bixin jiray ama uu bixin jiray ninka geystay waxaas xaal iyo xoolo kale oo qiimohoodu aysan ka yarayn neef geel ah…” Gabdhuhu waa quraarad, siduu Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ku sifeeyey oo waa in la dhawraa, la xushmeeyaa lagaa farxiyaa, loona turo, aanna la jebin. Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM, Columbus, Ohio, USA. Woonsocket, Rhode Island, USA, Bisha Ramadaan 25,1422/Decembar 10, 2001 Waxaan kitaabkayga afka ingiriiska ku dhigan “The Muslim Woman” ka tarjumay oo aan dib ugu noqday, kanoo soo jeestay: Jimce labada bisha Thuu Al Xijjah\ةجحلاوذ sanadka hijriga ee kun afar boqol shan iyo soddon, una dhiganta lix iyo labaatanka bisha Sebtembar laba kun afar iyo toban miilaadiga. 8 ميحرلا نمحرلا الله مسب نوركاذلا هركذ املك نيرهاطلا نيبيطلا هلآ ىلعو دمحم انلاومو انديس ىلع الله ىلصو ،لله ءانثلاو ،نيملاعلا بر لله دمحلا اريثك اميلست ملسو نولفاغلا هركذ نع لفغو - Kow - Ilaahay Tacaalaa wuxuu Banii Aadanku wuxuu ka wada abuuray hal lab iyo hal dheddig Dadkoo idil waxaa wada dhalay Aadan\مدآ iyo Xaawo\ءاوح, oo axad meel kale kasoo farcamay ma jiro, kaddibna waxay kasoo wada farcameen saddexda wiil ee Nabi Nuux Calayhissalaamu oo kala ah Sam\ماس iyo Xaam\ماح iyo Yaafith\ثفاي. Carabta ay soomaalidu ka mid tahayna waxaa dhalay oo ay ku abtirsadaan Saam bin Nuux\حون نب ماس. Ilaahay Subxaanahu wa Tacaalaa\ىلاعتو هناحبس الله wuxuu Aayadda saddex iyo tobnaad ee Suuratu Al Xujuraat\تارجحلا ةروس ku yiri: ََِّللا نَِّإ مْكُاَقْتَأ َِِّللا ََنِِْ مْكُمَرَ كَْأ نَِّإ اوُفرَاعََتِل لَِئابََقوَ ابًوعُشُ مْكُانَلْعَجَوَ ىَثنُْأوَ رٍكَذَ نْمِ مْكُانَقَْلخَ انَِّإ سُ اَّنلا اَهيَُّأ ايَ} {)31( ريِبخ ميِلِ ٌ َ ٌ َ Aayadda macneheedu waxaa weeye: “Dadow, waxaan idinka abuurnay hal lab iyo hal dheddig, kaddibna waxaan idinka yeelnay shucuub iyo qabaa’il si aad isku garataan, Ilaahay agtiisana waxaa idiinku karaama badan kiinna idiinku dhawrsi badan, Ilaahayna waa Midka wax walba ugu cilmi badan uguna aqoon iyo khibro badan.” Marka ragga iyo dumarku waa walaalo isku hooyo iyo isku aabe wada ah, oo ah Aadan\مدآ iyo Xaawo ءاوح, oo sidaasay ku siman yihiin Ilaahay hortiisa iyo shareecada islaamkaba, oo ayan u kala laan dheerasanayn. ىلاعتو هناحبس الله Ilaahay Subxaanahu wa Tacaalaa wuxuu Aayadda boqol sagaal iyo sideetan ee Suuratu Al Acraaf\فارعلأا ةروس ku yiri: {)981(اَه يَْلِإ نَكُسْ يَِل اَهجَوْزَ اَهنْمِ لَعَجَوَ ةٍََحِ اوَ سٍ فْنَ نْمِ مْكَُقَلخَ يذَِّلا وَهُ } Aayadda macneheedu waxaa weeye: “Ilaahay waa Midka idinka abuuray hal naf oo keli ah, ahna Nabi Aadan Calayhissalaamu, ayadana kasii abuuray haweentiisa, si uu ugu xasilo, uuna weheshado(189).” ىلاعتو هناحبس الله " Ilaahay Subxaanau wa Tacaalaa wuxuu kaloo Aayadda kow iyo labaatanaad ee Suuratu Al Ruum\مورلا ةروس ku yiri: 9 مٍوَْقِل ٍٍ ايََََ ََ ِلذَ فِ نَِّإ ًة مَحْرَوَ ًةََّوَمَ مْكُنَيْبَ لَعَجَوَ اَهيَْلِإ اونُكُسْ َتِل اجً اوَزَْأ مْكُسُِفنَْأ نْمِ مْكَُل قَ َلخَ نَْأ ِِِتايَآَ نْمِوَ} {)19( نَورُ كََّفَتيَ Aayadda macneheedu waxaa weeye; “Ilaahay Aayatkiisa waxaa ka mid ah inuu adinka idiin abuuray oo naftiinna ka abuuray – waana nafta Nabi Aadan Calayhissalaamu – haween si aad ugu xasishaan, wuxuuna dhexdiina yeelay jecayl iyo naxariis aad isku naxariisataan: taasna waxaa ugu sugan ragga caqliga leh oo fakaraya Aayaad iyo calaamado loo jeedo.”(21) Taas ayaana u sabab ah in markuu nin haweeney taabto uu ku raaxaysanayo oo ku macaansanayo, maxaa yeelay waa la isku abuuray, uuna diidayo oo ka xanuiunsanayo taabashada nin kale. Ilaahay Cazza wa Jalla\لجوزع الله wuxuu kaloo Aayadda laba iyo toddobaatanaad ee Suuratu Al Naxli \لحنلا ةروس ku yiri: نَوُنمِؤْ ُي لِطِ ابَلْاِبَفَأ ٍِ ابَيَِّّطلا نَمِ مْكَُقزَرَوَ ًةَََفحَوَ نَيِنبَ مْكُجِ اوَزَْأ نْمِ مْكَُل لَعَجَوَ اجً اوَزَْأ مْكُسُِفنَْأ نْمِ مْكَُل لَعَجَ َُِّللاوَ} {)21( نَورُُفكْيَ مْهُ َِِّللا ةِمَعِْنِبوَ Aayadda macneheedu waxaa weeye: “Ilaahayna wuxuu nafakiina idiinka yeelay haween, wuxuu haweenkiinna idiinka yeelay caruur iyo kuwo aad awoowayaal u tihiin, wuxuuna idinku rizqiyay wax xalaal ah: marka ma waxaad rumaynaysaan waxa baadilka iyo beenta ah oo nicmaduu Ilaahay idin siiyay ku gaaloobaysaan?”(72) Daarta Fatwada ee Boqortooyada Haashimiga ah ee Urdun waxa soo saartay \ةيندرلأا ةيمشاهلا ةكلمملا fatwada soo socota: Abuu Daauud\دوادوبأ wuxuu Caa’isha\ةشئاع Allaha raalli ka ahaadee ka wariyay inay tiri: :لاق املاتحا ركذي لاو للبلا دجي لجرلا نع ملسو هيلع للها ىلص للها لوسر لئس" ".لستغي" :لاق للبلا دجي لاو ملتحا دق هنأ ىري لجرلا نعو ".هيلع لسغ لا" :ميلس مأ تلاقف "؟لسغ اهيلعأ كلذ يرت ةرأملا" :لاق ".لاجرلا قشاقش ءاسنلا امنإ معن" 10 مدآ نم تقلخ ءاوح نلأو :ريثلاا نبإ :لاجرلا نم نققش نهنأكف ،عئابطلاو قلخلا يف مهلاثمأو مهرئاظن يأ :قئاقشلا ىنعم مونلا دعب للبلا ةيؤرب ةرأملا ىلع لسغلا بجيف ينعي ،هبسن نم هبسن قش هنلأ ؛هملأو هيبلأ هوخأ لجرلا قيقشو ملاسلا هيلع .لجرلاك يتلا للها ةرطف بسحب ةعزومف تابجاولاو قوقحلا امأ ،ةيناسنلإا ةمراكلا يف لاجرلا عم تايوتسم نهنأ اعبت اذه نم مهفيو 62 ) \مقر ىوتف \ ةماعلا ةايحلا ىواتف( ناميلس حون خيشلا يواتف ".نوكلا ةرامع متتل اهيلع ءاسنلاو لاجرلا نم لاك رطف (www.aliftaa.jo) Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ayaa waxaa la waydiiyay waxa laga doonayo inuu falo markuu ninku markuu hurdada kasoo kaco maradiisa qoyaan ku arko, wuxuuna yiri: “Wuu qubaysanayaa.” Waxaa la yiri: “Hadduu ninku haweentiisa ku riyoodo uusense markuu soo kaco uusan maradiisa qoyaan ku arag?” Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri: “Qubaysi laguma laha oo korkiisa ma aha.” Markaasay Ummu Sulaym\ميلس مأ waxay tiri: “Hadday haweentu taasoo kale ku riyooto ayna qoyaan isku aragto ma qubays ayaa waajib ku ah?” Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri: “Haa, oo haweenku waa walaalaha ay isku aabe iyo isku hooyo yihiin ragga.” Muftiga Boqortooyada Haashimiyada ee Urdun wuxuu yiri: \ةيندرلأا ةيمشاهلا ةكلمملا “Al Shaqaa’iq\قئاقشلا macneheedu waxaa weeye: ayagoo kale, way u dhigmaan xagga abuurista iyo xagga dabeecadaba, oo waaba sida ayadoo haweenta ninka laga gooyay oo laga jeexay (oo shaqqa\قش waxaa weeye waa gooyay, waa jeexay). Ibnu Al Athiir\ريثلأا نبإ wuxuu yiri: “Maxaa yeelay Xaawo\ءاوح waxaa laga abuuray Aadan Calayhissalaamu, ninka shaqiiqiisuna waa walalkiis ay isku aabe iyo isku hooyo yihiin, waxaana sidaas loo yiri isagoo nasabkiisa laga soo gooyay, sidaas daraadeed haweentana waajib ayay ku tahay inay qubaysato markay qoyaan isku aragto markay hurdada kasoo kacdo, sida ninka loogu leeyahay oo kale. Waxaa intaas laga garanayaa oo ka dhalanaysa inay haweenku xagga karaamada dadnimada ay ragga la siman yihiin. Xagga xuquuqda iyo waajibaadkase, waxaa loo qaybiyay si fitrada Ilaahay waafaqsan oo labadoodaba ragga iyo haweenkaba waxay ku taagan yihiin oo lagu abuuray, si adduunkaan loo cammiro.” Fatwadaan waxaa bixiyay Al Shaykh Nuux Sulaymaan\ناميلس حون خيشلا, tirsigeeduna waa lix iyo labaatan iyo fatwada guud\ةماعلا ةايحلا ىواتف. Cinwaankiisuna waa (www.alifta.jo)
Description: