ebook img

Xirmadaan Waxaa ku Jira PDF

12 Pages·2009·1.13 MB·Somali
by  
Save to my drive
Quick download
Download
Most books are stored in the elastic cloud where traffic is expensive. For this reason, we have a limit on daily download.

Preview Xirmadaan Waxaa ku Jira

Parent Involvement through Grade Level Events – Kindergarten-Grade 6/Literacy at School Xanaanada Caruurta – Fasalka 6-aad TACLIINTA AKHRISKA IYO QORAALKA EE ISKUULKA Xirmada Akhbaarta Waalidiinta Xirmadaan Waxaa ku J ira: 1. Waraaqaha Akhbaarta Mawduucu ku Qorantahay 2. Fikradaha Hawlaha Guriga Paul and Sheila Elementary School 65 E. Kellogg Blvd. St. Paul, MN 55101 651-290-8354 Fax: 651-290-8357 www.wellstone.spps.org St. Paul Public Schools – Paul and Sheila Wellstone Elementary, 2009 1 Parent Involvement through Grade Level Events – Kindergarten-Grade 6/Literacy at School Jadwalka Dhacdooyin 1. Dooda Waalidka (1 Saac) 2. Hawlaha Fasalaka (30 Daqiiqo) Akhbaarta Fasalka Cunugayga Magaca Macalimka Cunugaygu Waa ____________________________________. Fasalka Cunugayga Waa ____________________. St. Paul Public Schools – Paul and Sheila Wellstone Elementary, 2009 2 Parent Involvement through Grade Level Events – Kindergarten-Grade 6/Literacy at School Waraaqaha Akhbaarta Mawduuca BARNAAMIJKA BARASHADA QORAALKA IYO AKHRISKA EE DUGSIGA WELLSTONE: Dhamaan Dugsiyada Dadwaynaha ee Saint Paul, oo uu ku jiro dugsiga lagu magacaabo Wellstone Elementary, waxay leeyihiin Fasalo Akhriska iyo Qoraalka lagu barto oo lagu daray duruusta maalin walba baxda. Labada fasalba waxay soconayaan mudo hal saac ah, waxaana jira wakhti ay ardaydu u shaqaynayaan keli keli, kooxo yar-yar, iyo mar ay ardayda fasalka oo dhan dooda wadaagayaan. Barnaamijka Akhriska Tusaale: 1. Anigaa Samaynaya, Adigu waad Hadafka Barnaamijaka Akhriska: daawanaysaa Anaa Jumladaan Akhrinaya; waad Hadafka Barnaamijka Akhrisku waa inuu abuuro arday Xor ah oo daaawnaysaa waanad i dhegaysanaysaa isku kalsoon. Inta lagu jiro casharkaan yar, macalimiintu waxay 2. Anigaa Samaynaya, Waad i isticmaalaan talaabooyinka soo socda si ay ardayda ugu caawiyaan caawinaysaa inay noqdaan bartayaal iskufilan. Talaabooyinkaan isku day inaad Anaa jumlada akhrinaya; waxaad igu raacdo markaad cunugaaga wax cusub barayso ama aad barayso caawinaysaa kalmadaha aad taqaanid. sida guriga wax looga sameeyo. 3. Adaa Samaynaya Anaa ku caawinaya Adaa jumlada akhrinaya; waxaan kaa Heerka Caawimaada Macalimka iyo Xornimada Ardayga caawinayaa kalmadaha aadan aqoon. 1 2 3 4 4. Adaa Samaynayaa Anaa ku Daawnaya Anigaa Adigaa jumlada si isku halayn leh u Samaynaya Anigaa Adaa Samaynaya Adaa Samaynaya Anaa ku Samaynayaa akhrinaya, anna waan ku daawanayaa waana Adigu waad Waad i caawinaya Anaa Daawnaya ku dhegaysanayaa. daawanaysaa caawinaysaa Su?aalo Isdhaafsiaga: 1. Maxaad kubari kartaa ilmahaaga guriga adigoo isticmaalaya xirfadaha iskaa-wax uqabsoda? Qaabka Siminaarka Akhristayaasha: Dugsiyada Xanaanada Caruurta ilaa fasalka 3aad gwaxay Siminaarka Akhristayaasha ku qaadanaysaa 120 daqiiqo. Fasalada 4-aad – 6-aad waxay ku qaadanaysaa 90 daqiiqo. Gabogabada Furitaanka Kulanka Wakhtiga Shaqada Kulanka Fasalka oo Dhan Fasalo Gaagaaban Fasalka oo Dhan Cashar-yar Ayaa Wadaagaya 35-40daqiiqo 10-20 daqiiqo. 5-10 daqiiqo. St. Paul Public Schools – Paul and Sheila Wellstone Elementary, 2009 3 Parent Involvement through Grade Level Events – Kindergarten-Grade 6/Literacy at School Inta Lagu Jiro Siminaarka Akhristayaasha, ardaydu waxay barandoonaan: • Phonemic Awareness – Fahmitaanka dhaqa erayada. Intaanay caruurtu baran inay akhriyaan wax qoran, waxay u baahanyihiin inay bartaan kuwo og sida erayada loogu dhawaaqo. • Phonics – Fahmitaanka in xaraf waliba dhawaq sameeyo, markii dhawaqa xarfaha oo dhan laysku darana waxay samaynayaan kalmado, sidaas ayaan ku baranaan akhriska iyo qoraalka kalmadaha. • Fluency – Waa awooda si sax ah loogu akhrin karo kalmadaha ayaadoo si sax ah loogu dhawaaqayo. • Erayada Cusub – Kalmadaha ama erayada ay caruurtu isticmaasho marka ay akhrinayaan ama ay dhegaysanayaan. • Fahmitaanka–Sababta wax loo akhriyaa waa in la fahmo. Akhrisku waa in la fahmo wixii la akhriyey. Siminaarka Fasalka Qoraalka Hadafk Siminaarka Qoraalka: Hadafka Barnaamiaka Qoraalku waa in qofka lagu abuuro caado ah inuu maalin walba wax qoro si uu u noqdo qoraa taabagal ah. Qaabka Siminaarka Qoraalka: Ardaydu 60 daqiiqo ayey u isticmaalayaan Students spend 60 minutes in Writers Workshop. Mini Lesson Wakhti Shaqo Wakhtiga Wadaaga Fasalka oo Dhan Shakhsi-Shakhsi Fasalka oo dhan Casharka-yar 40-45 daqiiqo. 5-7 daqiiqo. 10 -20 daqiiqo. Inta lagu jiro barnaamijka Qoraaga, ardaydu waxay barandoonaan: • Inay dad hada ka hor buugaag wanaagsan qoray ka bartaan siyaabaha kala duwan ee wax loo qoro. • Inay qoraan 10 sheeko ayagoo isticmaalayaa habkii qorayaasha hore mareen si ay qoraalka uga dhigaan wax taaba gal ah. • Sida loo qoro sheekooyin qofka akhrinaya soo jiita oo uu had iyo jeer rabo inuu sii akhriyo. • Sida loo qoro sheekooyin xiisa leh oo qofka akhrinayaa aanu ka daali karin. • Sida loo qoro sheekooyin qofka akhrinayaa uu fahmi karo. • Sida loo qoro sheekooyin xasaasiyada kiciya ama qiira leh. • Sida loo abuuro sheekooyin akhristaha la xiriira. How to write bringing a story to a close. • In sheego waxa qoraalku yahay sidiisaba iyo inay qoraalkooda la wadaaga qaar kale. St. Paul Public Schools – Paul and Sheila Wellstone Elementary, 2009 4 Parent Involvement through Grade Level Events – Kindergarten-Grade 6/Literacy at School Xirfada Qoraalka iyo Akrirska Wixii akhbaar dheeraad ah ee aad uga baahantahay Mustawaha Tacliinta iyo Akhriska iyo Qoraalka, waxaa booqataa http://education.state.mn.us/mdeprod/groups/Standards/documents/LawStatute/000269.pdf Dugsiyada Xanaanada Caruurta 1. Ku dhawaaq shanqadaha xarfaha badankooda Say the sounds of most letters. 2. Aqoonso, magacoow, samee in badan oo alifbeetada carfaheeda waaweyn ah iyo in badan oo xarfaheeda yaryar ah. 3. Tilmaan, oo samee, adigoo ku luuqaynaya kalmadaha. Tusaale: Bisad and Koofiyad. 4. Isticmaal cilmiga aad dhawaaqa xarfaha u leedahay si barato sid aloo higaadiyo dhoowr kalmadood oo fudud. 5. Waxaad kalmadaha u isticmaashaa inaad ku sharaxdo meesha, xajmiga, midabka, qaabka, ficilka, iyo jihada iyo inaad magacoowdo dadka, meelaha, waxyaabaha kale.. 6. Su’aalo dadka waydii kuwii lagu waydiiyana ka jawaab. 7. Qor ama sawir wax la xiriira waxay akhrinayaan ama wixii loo akhriyey. 8. isku xir oo isla xiriiri sheekada iyo buugga iyo khibradaada 9. Dhagayso oo fahan macnaha sheekada. 10. Soosaar cida matalaysa iyo dhacdooyinka sheekada ku jira. 11. Mar kale sheeg oo ku soo celi sheekooyinka adigoo isticmaalaya sida ay u qoranyihiin ee ah qaybta hore, qaybta dhexe, iyo dhamaadka. 12. Si madadaalo ah udhegayso ama u akhri shee hal sheeko. 13. Xafid oo ku soo celi gabayada, luuqda, iyo heesaha. 14. Fartaada kalmadaha ula raac laga bilaabo bidix ilaa midig ama kor iyo hoosba. 15. Boggaga waxaad u rogtaa horay iyo gadaal. 16. Akhri 10 kalmadood oo kuwa soo noqnoqashada badan ah. 17. Jumlad kasta oo dhamaystiran waxaad dhamaadkeeda ku qortaa joogsi. 18. Daabac magaciisa/magaceeda koowaad. Fasalka 1 1. Soosaar xarfaha, kalmadaha, and jumladdaha. 2. Is barbardhig kalmadaha lagu hadlay iyo kuwa qoran. 3. Soosaar erayada hal abuurka leh adoo habka gabayga raacaya. 4. Akhri 100 ka kalmadood ee ugu soo noqnoqashada badan. 5. Si sax ah oo fuseex ah kor ugu akhri qoraalka Fasalka 1-aad. 6. Soosaar oo abuur kalmado macnahoodu iska soo hor jeedo iyo kalmado iskumacne. 7. Adigu isa sax markaad akhrinaysid. 8. Saadaalin ka bixi maxsuulka sheekadu ku dhamaanayso. 9. Soosaar cinwaanka iyo jaldiga ugu sareeya ee buugga. 10. Joogsi ku isticmaal jumlad walba dhamaadkeeda. 11. Ku biloow xaraf ka mid ah xuruufta waawey markaad qorayso magac gaar, magac u yaalka “I”, iyo xarafka u horeeya ee kalmada ugu horaysa jumalad kasta. 12. Isticmaal calaamad su’aal iyo calaamatul cajaa’ib. 13. Isku soo dubarid jumlado fud-fudud. 14. Si sax ah u hikaadi kalmado 3-4 xaraf ka kooban. St. Paul Public Schools – Paul and Sheila Wellstone Elementary, 2009 5 Parent Involvement through Grade Level Events – Kindergarten-Grade 6/Literacy at School 15. Kalmadaha waxaad u qortaa sida alifbeetadu isugu xigto adigoo raacaya kalmad waliba xarafka ay ka bilaabato. 16. Xad haboon isu jirsii kalmada kalmadaha iyo jumladahaba. Fasalka 2-aad 1. Si fuseex ah u akhri 200 ee kalmadood ee ugu soo noqnosho badan. 2. Si sax ah, fuseex ah, oo kala dhigdhigan kor ugu akhri qoraalka ku haboon fasalkan. 3. Soosaar hor-galaha iyo dib-galaha. 4. Isticmaal dikshinariga ku haboon fasalkaan si aad u hesho macnaha erayada. 5. Soo saar dulucda casharka, xaqiiqda casharku ku saabsanyahay, faahfaahinta caawinaysa qoraalada aan beenta ahayn.. 6. Soo koob qoraalka. 7. Akhri oo dhagayso gabayada, sheekooyinka dhaqanka, riwaayadaha, sheekooyinka alifaada ah ee aan runta ahayn, akhbaarta, iyo dhacdooyinka (biography) Maraykanka, iyo kuwa wadamada kaleba. 8. Soosaar oo sharax jilayaasha ugu waaweyn, jaangooyada sheekada iyo qaabka loo dhigay. 9. Soosaar oo si sax ah u isticmaal magacyada, magac u yaalada, iyo ficilada. 10. Soosaar oo isticmaal kalmadaha wax sharaxa sida sifeeyayaasha 11. Jumlahada ku isticmaal dhamaadka ku haboon. Tuslaale ahan: Joogsi (.), calaamatul cajaa’ib (!), calaamatul su’aal (?) 12. Ribootgaree dulucda casharka adigoo la wadaagaya waxyaabaha la xiriira ee ay ka mid yihiin, xaqiiqooyinka. 13. Soosaar jaldiga, bogga cinwaanka, iyo qaybta erayada cusub macnahoodu ku qoranyahay ee buugga (glossary). 14. Waa inaad fahansanaato in noocyada kala duwan ee buugta ah sida kuwa ka hadla khiyaaliga, kuwa ka hadla dhabta ama xaqiiqda, kuwa tixraaca leh, inay dhamaan leeyihiin ujeedooyin kala duwan. Fasalka 3-aad 1. Soosaar oo si fiican u xaqiiqso kalmadaha macna ahaan iska soo hor jeeda, kuwa isku macnaha ah, kalmadaha isku si u qorma isku sina loogu dhawaaqa, iyo kalmadaha. 2. Isticmaal digshinariyaal iyo maalaha kale ee kalmadaha macnahooda laga baadho (glossary) si aad u fahanto macnaha kalmadaha kugu cusub. 3. Waxaad kor u akhridaa buuqta fasalkaaga ku haboon (kuwaa soo aadan horay u arag ama u eegin) adigoo fahamaya si sax ahna u akhrinaya. 4. Ka sheekee oo ku soo celi, si kooban ugu soo celi hadal ahaan akhbaarta, qoraal ahaan, iyo habka loo yaqaan graphic organizer. 5. Soosaar oo ka fakar macnayaasha is shabaha, iyo kuwa mithaalka isku ah. 6. Waxaad biloowdaa inaad kalmadaha isbadalka keena ku qortid farta loo yaqaan rugcada 7. Waxaad biloowda inaad barato sida kombuyuutarka loo garaaco. 8. Waxaad qortaa hal tuduc (baaragaraaf) oo ay ku jiraan:Write a paragraph that includes: • Inaad ka durugto meesha qoraalku ka bilaabanyo • Jumlad aad ku muujinayso dulucda hadalkaaga • 3-5 Jumladood oo aad ku taageerayso doodaada • iyo jumladdii aad ku soo gabagbaynaysay 9. Isticmaal, daabac, sawir, oo fiidyoow ahaan u duub si dhakhso ugu soosaarto fikraha iyo cilmiga. Use, print, pictures, audio and video to express ideas and knowledge. St. Paul Public Schools – Paul and Sheila Wellstone Elementary, 2009 6 Parent Involvement through Grade Level Events – Kindergarten-Grade 6/Literacy at School 10. Sideedba qoraalku wuxuu isugu jiraa mid waxsharxaya, mid fikraha soo koobaya (Narative), mid akhbaar bixinaya (informative), iyo mid gabay a Fasalka 4 -aad 1. Soosaar oo faham u yeelo kalmadaha asaasiga ah, meeshay ka soo askumeen, kalmadaha macnahoodu iska soo hor jeedo, kalmadaha isku macnaha ah, kalmadaha macnaha sarbeebta ah leh (idioms), kalmadaha isku dhehmada iyo iku dhigaalka ah macnahooduna kala duwanyahay iyo kalmadaha hal macne ka badan leh, ka fakar micnaha kalmadaha iyo sidaad macnaha qoraalka ah oo dhan ku fahmi lahayd. 2. Isticmaal dikshinariyaal, buugaagta macnaha kalmado khaas ah lagu soo ururiyo (glossaries) is aad macnaha kalmadaha kugu cusub u hesho. 3. Soo koob oo faahfaahi wixii la akhriyey. 4. Hel ama soosaar dulucda (main idea) oo ka fakar waxyaabaha qeexaya qoraalka runta ah ee aan khiyaaliga ahayn (non-fiction text). 5. Kala saar xaqiiqda iyo waxay ay kula tahay, ka fakar sababta iyo cawaaqibka oo gunaanud iyo gabgabo ka ka gaar (draw conclusion). 6. Kordhi hababka kala duwan ee aad wax u qorayso si aad u cadayso macnaha qoraalka oo ku soo dar: • Qancinta • Qoraal aad ku mahad celinayso. 7. Isticmaal hab isku duba ridan oo ku soo dar arimaha soo socda: • Qoraalka hore (prewriting)- isticmaal hababka diyaargaroowga qoraalka sida uririnta ficradaha (brainstorming), ururinta qoraalada yar-yar (Journaling), diyaarinta hore (sketching), liisgaraynta, isku duba ridka khadka qoraalku raacayo (outlining) adoo niyada ku hayo cida ku dhegaysanaysa ama halka aad diirada ku hayso. • Daraafgaraynta (drafting) - isku duba ridka, fikradaha aad ku caawinayso qoraalkaaga oo aad fikradaas u kala qaybiso jumlado baaragaraapyo. • Rogitaanka (revising) wanaajita wax tayada waxyaabaha qoraalku ka koobanyahay, habka uu isugu duba rindanyahay, qaabka jumladaha hadalka, iyo kalmadaha la dooranayo. • Sixitaanka (editing) – Sixitaan la xiriira dhinacyada hikaada erayada iyo naxwawaha qoraalka ku samee qoraalakaaga. • Daabacaada (publishing) - waa in la soo saaro qoraal laga faaiidaysan karo isla markaasna qoraalka lala qaybsado dhegaystaasha.– producing a document and sharing the writing with the audience. 8. Waxaad abuurtaa ribood akhbaar gudbinkara oo kala dhig-dhigan, oo ay ku jiraan xog aad soo ururisay, iyo isku dubaridka fikradha iyaddoo loo eegayo xogta la soo ururiyey, habaynta akhbaarta, iyo inaad ku samayso wixii sixitaan ah ee horay umarinkara qoraalkaaga. 9. Si sax ah ugu isticmaal calamaadaynta qoraalka kala la dhig-dhiga ee ay ku jiraan calaamadaha soo socdaa: • abastiroofi • Xaraf wayn ka biloow dhamaan magacyada gaarka ah • Xarfaha utaagan kalmada la soo gaabiyey • Xarfaha jumladuhu ka biloowdaan • Isticmaal kooma meelaha looga baahanyahay oo dhan commas in a series • Calaamadaha “xigashada” 10. Qoraalkaaga si la akhrin karo ugu qor far caadiga ah iyo tan rugcada ahba. St. Paul Public Schools – Paul and Sheila Wellstone Elementary, 2009 7 Parent Involvement through Grade Level Events – Kindergarten-Grade 6/Literacy at School 11. Soo jeedi hadal bandhig ah. Fasalka 5-aad 1. Kala saar dhabta iyo dhalanteedka hadalkaaga oo keen cadayn aad ku taageerayso doodaada. 2. Kafakar (Determine) sababta iyo cawaaqibka oo gunaanad fiican hadalkaaga ka soo dhiraandhiri. 3. Si qodadheer u akhri oo u qiimee meesha uu qoraagu ka hadlayo iyo sababta uu uga hadlayo. 4. Kalasaar naxwa ahaan faraqa u dhexeeya fikraha laga hadlayo ee qofka sadexaad ee aan muuqan (third person omniscient) iyo fikradaha muujinaya qofka koowaad. 5. Soosaar oo ka fakar macnaha amaaradaha iyo mitaalada. 6. Kordhi hababka kala duwan ee aad wax u qorayso si aad u cadayso macnaha qoraalka oo ku soo dar: • Qancinta • Qoraal aad ku mahad celinayso. 7. Waxaad abuurtaa curis baaragaraafyo tirabadan leh oo ku jiraan: • Siqashada (in yar oo laga durko marka baragaraaf la bilaabayo) saxda ah samee oo ha ka badin hana ka yarayn. • Baragaraaf horudhac ah, • Cadaymaha aad ku taageerayso. • Baaragaraafka aad ku soogabagabaynayso. 8. Higaada qoraalka markale isha mari oo sax wixii ilduuf ah ee ku jira. 9. Qeex waxa qoraalka la xado ama sharci darada lagu qaato waxa macnaheedu yahay adiguna ka taxadar. 10. Waxaad qoraal ku soo saartaa wax si wanaagsan loo fahmi karo oo ah akhris, gabay, ama riwaayad. 11. Go’aan si wanaagsan looga baaraan degay ka bixi fariimaha lagu xayeysiiyo isgaarsiinta miidhiya, sida filimada, talifishinka, raadiyaha, iyo jariiradaha. Fasalka 6-aad 1. Kafakar macnaha kalamdaha aan la aqoon adigoo isticmaalaya cilmigii Greek-ga caadiga ah, taariikhda Latin-ka, horgalayaalka (prefixes), iyo dibgalashaasha (Suffixes). 2. Si qodadheer u akhri oo u qiimee meesha uu qoraagu ka hadlayo iyo sababta uu uga hadlayo. 3. Soosaar oo sharax xiriirka ka dhexeeya waxyaabaha ku jira arimaha khiyaaliga ah sida jaangooyada, jilaaga, qaabka dejinta, dagaalka/heshiiska, hiyiga ay ku socoto, iyoqaabka luuqada. Identify and describe the relationships among elements of fiction including setting, character, plot, conflict/ resolution, theme and tone. 4. Qiimee jilaaga adigoo ka eegaya fakarkiisa, kalmadahiisa, ficiladiisa iyo sida loo sharaxayo waxyaabaha uu soo warinayo. 5. Mar marka qaarkood u qor hababka soo socda ay ka mid tahay laakiin aan ku koobnayn: gabayo, sheekooyin, riwaayadao, teese (bandhig fikradeed), joornaalo, waraaqo, fikar jihayn ah, sawirka guud, xiriirka ganacsiga iyo bucsharada iyo riboodyo kale. Marka uu dhamaysto fasalka 8-aad ardaygu waa inuu aqoon u leeyahay oo qorikaraa dhamaan arimaha aan qodobkaan kusoo sheegnay. 6. Samee sheeko gaaban oo muujinaysa jaangooyo, dad/jilayaal, wadahadkal iyo dagaalka adigoo isticmaalaya, sharaxaad, iyo luuqad soo jiidata oo ay fahmayaan dhegaystayaashu. 7. Waxaad abuurtaa ribood akhbaar gudbinkara oo kala dhig-dhigan, oo ay ku jiraan xog aad soo ururisay, isku dubaridka fikradha iyaddoo loo eegayo xogta la soo ururiyey, habaynta akhbaarta, iyo inaad ku samayso wixii sixitaan ah ee horay umarinkara qoraalkaaga. St. Paul Public Schools – Paul and Sheila Wellstone Elementary, 2009 8 Parent Involvement through Grade Level Events – Kindergarten-Grade 6/Literacy at School Ilmaha ku Dhiirigali Akhriska iyo Qoraalka Inta Guriga La Joogaan. Su?aalo Isdhaafsiaga: 1. Ma noo sheegi kartaa sidaad ilmahaaga ugu dhiiri galisid in ay wax akhriyaan waxna qoraan markay guriga joogaan? 1. Waxaad hubisaa in cunugaagu ugu yaraan 30 daqiiqo wax akhriyo maalin kasta 2. Caruurtu waxay u baahanyihiin inay meel degan oo nal fiican leh shaqada guriga ku sameeyaan. 3. Telifishinka dami marka shaqada guriga laga shaqaynayo. 4. Cunugaaga waa inaad u dejisaa wakhti go’an oo uu seexdo habeen walba. Waxaa aad muhiim u ah in caruurta dugsiga hoose dhigataa ay helaan 10-12 saacadood oo hurdo ah habeen walba. 5. Inuu cunugaagu hurdo ku filan helo oo quraac fiican cuno waxay ku caawinaysaa inuu maalinta si fiican ula bilaabo asagoo diyaar u ah inuu iskuulka wax ka barto. 6. Cunugaaga ku caawi inuu tacliinta ku raaxaysto adigoo waxkasta oo uu qabanayaba tacliinta ugu dhexdaraya. Tusaale ahaan markaad meel u wado oo aad gaari ama bas saaran tihiin raadi ama isku day inaad kalmado cusub u abuurto adigoo isticmaalaya taargada baabuurka iyo lamabarada iyo xarfaha ku qoran. 7. Waa in cunugaagu ku daawadaa adigoo wax qoraya. 8. Cunugaaga ku caawi inuu rumaysto in akhrisku muhiim yahay hawl muhiim ah oo nolol maalmeedka ka mid ah. Waa ilmahaagu ku daawadaa adigoo akhrinaya tilmaamo muhiim ah oo jadwal, liiska cuntada, iyo waxyaaba kale. 9. Qoraalka meel gooni ah u qorshee, waxaad u diyaarisaa qalimaan iyo xaashiyo badan oo kala duw-duwan. Meesha qoraalka loogu tala galay waxay ahaan kartaa meel sahlan sida miis yar oo aan muhiim ahayn ama waxay noqon kartaa miiska caadiga ah ee qoraalka loogu talagay. Arimo maad leh oo qoraal loogu talagalay haddii aad ku darto waxaa laga yaabaa inay cunuga ku dhiirigaliso inuu wax qoro. 10. Waxaad cunugaaga siisaa wax kasta oo u sahlaya inuu wax qoro, sida inuu liisgareeyo waxyaabaha uu jeclaan lahaa, qorshayaasha xaflada, martiqaadyada, iyo inuu waraaq u qoro dadka ay qaraabada yihiin. 11. Haddii ay suurta galtahay, waxaad ilmaha siisaa dikshinariyaasha luuqada, dikshinariyaasha sawirada, maabab, sawiro maabab muujinaya, iyo waxyaabaha kale ee tacliinta ku taxaluqa ee ku caawinaya inuu ilmuhu wax qoro ama wax akhriyo. 12. Hadalo yaryar isu qora oo waraaqo u qora qoyska intiisa kale. 13. Waxaad samaysaan kalandaariyaha qoyska oo ku dhiiri gali in cunugaagu wax ku qoro, sida maalmaha dhalashada iyo maalmaha aan iskuulku jirin. 14. Waxaad aadaa maktabada oo ilmahaaga kaarka maktabada u samee si ay buugaag maktabada uga daynsadaan. St. Paul Public Schools – Paul and Sheila Wellstone Elementary, 2009 9 Parent Involvement through Grade Level Events – Kindergarten-Grade 6/Literacy at School Waxyaabaha la akhriyo Buugta, Noofalada, iyo Joornaalada iyo Daasadaha cuntadu ku buugta kala ee caadiga Jariiradaha jiraan iyo Leebalka ku ah. Dhegan Buugaagta Sawirada Waraaqaha Laysu Diro Buugta Talefoonka Kaliya ah (Kalmado kuma iyo Kaararka Boostada qora ) Dikshinariyaasha Iimaylada Liiska Waxyaabaha Laysku Darayo Kalandar Calaamadaha Wadooyinka Funaanadaha Hi MOM! Maababka Taagaga Magacyada Lagu Hadalka Jirka (Body QoroTags and Name languages) Tags Fariimaha Qoran ee Taargada Baabuurta Symbols Taleefonka Laysugu diro Ogaysiis iyo erayo ku Muuqaalka Buugga Dalabka Cuntada qoran Bay’ada/Calaamadah St. Paul Public Schools – Paul and Sheila Wellstone Elementary, 2009 10

Description:
St. Paul Public Schools – Paul and Sheila Wellstone Elementary, 2009. 1 waxay leeyihiin Fasalo Akhriska iyo Qoraalka lagu barto oo lagu daray .state.mn.us/mdeprod/groups/Standards/documents/LawStatute/000269.pdf.
See more

The list of books you might like

Most books are stored in the elastic cloud where traffic is expensive. For this reason, we have a limit on daily download.