ebook img

Poetry of Sayid Mohamed Abdulle Hassan PDF

294 Pages·2015·1.25 MB·Somali
by  
Save to my drive
Quick download
Download
Most books are stored in the elastic cloud where traffic is expensive. For this reason, we have a limit on daily download.

Preview Poetry of Sayid Mohamed Abdulle Hassan

WASAARADDA HIDDAHA IYO TACLIINTA SARE Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan URURINTII KOOWAAD Waxaa Ururiyey: Sheekh Jaamac Cumar Ciise Mashruuca Iskaa-U-Samee HORDHAC Sida la og yahay ummad kasta oo af, dhaqan iyo hidde wadaagta waxay leedahay murti iyo suugaan u gaar ah oo ay ku hirtaan. Hal-abuurayaasha dejiya suugaantaasna waxaa la og yahay iney door weyn ka cayaaraan isuduwidda, kicinta iyo horumarinta ummaddaas. Sayid Maxamed wuxuu ka mid yahay abwaannada waaweyn ee taariikhda Soomaalida meel ka galay. Taasna waxaa u aqoonsan dadkiisa iyo dadyowga kale markay u sugnaatay inuu ahaa geesi waddani ah, gabyaa aftahan ah, buuni cilmi leh, siyaasi xirribbo badan. Intaaba waxaa marag u ah gabayadiisii jaad walba leh, waxaana garan kara qofkii murtidiisa dhuuxa marka laga eego xagga suugaanta, siyaasadda, wadaninnimada iyo aftahannimada ku jirta. Diiwaankan waxaa ku qoran 120 gabay oo Sayid Maxamed tiriyey intii u dhexeysay 1904tii – 1920kii, iyo 16 gabay oo gabayada Sayidka xiriir la leh. Guud ahaan waxay gabayadaasi muujinayaan dhaqankii Soomaalida iyo heerkii suugaantu waqtigaas joogtay. Wixii gabay, geeraar iyo jiifto Sayidka laga hayey, oo saddex cay ah oo gaaban nisbadooduna aynan sugnayn ma’ahee, intii kale halka ayey ku dhan yihiin. Marka waxbarasho guud mooyee, waxay gabayadu albaab weyn u furayaan qoraalka suugaanta af-Soomaaligu hodonka ku yahay. Waxayna dhaxal u noqon doonaan dadka danbe ee wax qori doona. Kuwaas oo buuggan ka heli doona tusaalooyin badan oo waxtar u leh. Odayaashii tan iyo muddo dheer u guntaday inay uruuriyaan ka dibna qoraan buuggan, waxaa sharaf iyo abaalmarinba ugu filan inay wariyeen wixii mahadho Sayidka laga hayey, anaguna waxay naga mutaysteen mahad iyo ammaan. Jaale Maxamed Aadan Sheekh Xoghayaha Dowladda Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare TUSMADA DIIWAANKA Gogoldhig Mahadnaq Arar Guud Gabayada ku socda xarafka “A” 1. Xuseenow caqligu kaama baxo (Afbakayle) 2. Dhurwaa ariga Eebbaa leh 3. Xuseenow aqoon xume (jawaab) 4. Ragga Ayl u kacahayow 5. Nin aqdaamo ferenji ah 6. Saw ma aha 7. Ismaaciil Mirow 8. Jidka Adari loo maro 9. Eelkii qabsaday 10. Maantii asaayuhu dhacay 11. Ogaadeen haddaan ahay 12. Cali-Geri aboodiga ku lalay Gabayada ku socda xarafka “B” 13. Wararka badaha laga keenayo 14. Awel maanso waataan balfay 15. Baqalka kuugu soo diray 16. Bogadaawad 17. Ba’a e yaw sheega Gabayada ku socda xarafka “T” 18. Tebiya oo geeya 19. Xuseenow tabtaan ahay 20. Tuurwaayow toban hal Gabayada ku socda xarafka “J” 21. Xuseenow jikraar lama hadlee (Jiinley) 22. Koofil 23. Ilaaheennii Jaliilka ahaa Gabayada ku socda xarafka “X” 24. Xiin Finiin 25. Xay guduudan la moodyow Gabayada ku socda xarafka “D” 26. Dacwad baan ka leeyahay 27. Ma duqaynay reer Bari 28. Awel maanso waataan dayacay 29. Ararsame dalkiisii ka carar 30. Wiilyahow daloombiyi 31. Wiilyahow dammiin baad tahay 32. Nimanyahow dembow lama hadlo 33. Calanside 34. Doodna waxaan u leeyahay 35. Daraawiishta Saalixiya 36. Doqon baan ogayn Suudiyow 37. Daawad 38. Dacayow daallinkiiyow 39. Naagaba dumaashaan ka nacay 40. Xirsiyow dadkii waxaan ku nacay 41. Diiriye-Abuujahal 42. Xirsiyow dabuub gabay 43. Ninkii diday ayaantii 44. Dardaaran 45. Bal dayooy! Gabayada ku socda xarafka “R” 46. Rabbaa deeq leh 47. Caynab raabbiyan weeye 48. Reerkayga kama soo rareen Gabayada ku socda xarafka “S” 49. Sayid baa ka qabay 50. Canjeel 51. Ma sabaan ka sabaan baan 52. Waa duni 53. Sagaal nin oo walaala ah 54. Saha kacay Gabayada ku socda xarafka “SH” 55. Isna waa shiddiyo hoog 56. Wiilyahow shareecadu Gabayada ku socda xarafka “DH” 57. Waayeel Dhadhabay 58. Ina Caliga Dhaaranahayaa 59. Dhabdarrada ma qaayibo 60. Hashaan dhamaca jiilaal Gabayada ku socda xarafka “C” 61. Xirsiyow cod gabay 62. Afar halaad cayuunyahow 63. Cawskii Nugaaleed ka badan 64. Kaarshow camaadaa tahay 65. Ogaadeenka ciideed 66. Caliyow calaacal iyo way 67. Indha-caadlayaal 68. Kuwii cararay 69. Cara e yaa sheega! 70. Caga-wadaadley 71. Miinaale 72. La’aye Cali-Geri 73. Waa calako Gabayada ku socda xarafka “G” 74. Guulle Eebbahayow 75. Ninka gaalka la siiyay (Calangube) 76. Nimanyahow xalaa lay gilgilay 77. Ninka yiri wax baan gani 78. Gudban (Gaal-leged) 79. Daraawiish gufleysoy 80. Rayidow 81. Kufriga ina gabraaraya 82. Gurigii Dariiqaan lahaa 83. Guullow Allahayow 84. Shiikhyaale Gabayada ku socda xarafka “F” 85. Ararsame Gabayada ku socda xarafka “Q” 86. Qaali waxaad tiraahdaan 87. Wiilka qadafka ii soo dirow 88. Haddaad tiri 89. Cabdillaahi Aadan Gabayada ku socda xarafka “K” 90. Keenadiid 91. Kalalaaga afkiisa Gabayada ku socda xarafka “L” 92. Laalays 93. Xuseenow ninkii laable Gabayada ku socda xarafka “M” 94. Ku milaada 95. Majeerteen 96. Maadeys 97. Maqashiiya uunka 98. Malaw ii soo godol 99. Mahade haw sheego 100. Mawdku ka adeegi 101. Mariyama Shiikh 102. Koofil walaashiis 103. Waa niman Gabayada ku socda xarafka “N” 104. Xirsiyow naaqusnimo 105. Haddaan waayey Gabayada ku socda xarafka “W” 106. Walhad 107. Waxaad tiraa weeye 108. Suldaan Faarax 109. Diintaan wadeeca uga dhigi Gabayada ku socda xarafka “H” 110. Xasanow hub qaadday 111. Haasaawe layskuma xanto 112. Midabkiisu halyey 113. Hanfi iyo hunriga soo dhaca 114. Xuseenow ninkii xididkiis hagraday 115. Hashaan heensuhu siday 116. Xirsiyow hagaagtay 117. Hawiye 118. Xuseenow ninkii hagar yaqaan 119. Hunguri Subeer 120. Cali Xaaji Axmed Dhammeystir GOGOLDHIG Diiwaankan Sayid Maxamed wuxuu ka kooban yahay 120 gabay oo ka mid ah gabayadii Sayidka. Gabayadaas oo jaad walba leh, waxaa soo ururiyey Sheekh Jaamac Cumar Ciise oo ka mid ah Guddiga Af Soomaaliga. Sheekh Jaamac wuxuu kaloo ka mid yahay ragga gabayada, taariikhda Sayidka iyo Dhaqdhaqaaqii Daraawiishta dhab u yaqaan kuwa ugu fiican. Gabayadu waxay muujinayaan taariikhdii weyneyd ee Sayidka iyo halganki Daraawiishta. Waxay kaloo tusayaan heerka sare ee Sayidku murtida iyo suugaanta Soomaalida ka joogay iyo sida uu suugaanta ugu xeel dheeraa. Diiwaankan waxaa Guddiga Af Soomaaliga u soo gudbiyey Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo Akadeemiyada Dhaqanka si ay isha u mariyaan, waxay u la ekaataba uga soo yiraahdaan. Dabadeed haddii guddigu eegay, aad buu ugu bogey gabayada iyo habka wanaagsan ee loo uruurshay labadaba. Sidaas darteed, waxaa uu Guddigu gartay in diiwaankan sida uu yahay degdeg loogu daabaco. Guddiga Af Soomaaliga Xamar, 01.01.1974 MAHADNAQ Waxaa ila gudboon inaan u mahad naqo dadkii buuggan qoristiisa, garaaciddiisii iyo isuduwiddiisa igu gargaaray. Dadkaasna abaalkooda Eebbe weyne ayaa gudi kara. Iyagoo dadkaasi fara badnaa waxaanan halmaami karayn: A) Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo diiwaankan soo saariddiisii gacan weyn ku lahayd. B) Axmed F. Cali “Idaajaa” oo aan u yeerin jiray buuggan habeen iyo maalin, oo hawl weyn ka qabtay gabayadaa qorriinkoodii. T) Cumar Aw-Nuux Maxamed oo qoridda iyo garaacidda makiinadda gacan buuxda ku lahaa, markaan billaabay illaa dhammaadkiisii. J) Jaamac Xaaji Xasan Cilmi oo had iyo jeer gabaygii dhammaada garaaciddiisa makiinadda la kor taagnaa oo aan oron karo hawl weyn baa ka soo gaartay. X) Faadumo Xasan Maxamed oo sidaas oo kale garaacidda buuggan qayb weyn ka qaadatay. Kh) Dr. Yaasiin Cismaan Keenadiid oo nagala talin jirey habka iyo hannaanka buugga loo qorayo. D) Aw-Daahir Afqarshe oo had iyo jeer aan gabayada kala tashan jirey. Xusuus gaar ah waxaa iga mudan raggii Daraawiisheed ee gabayadan laga soo guuriyey oo badidoodii ciidda ka hoos mareen. Sheekh Jaamac Cumar Ciise Ururiyaha Diiwaanka ARAR GUUD Afka Soomaalidu waa af ballaaran, erayadiisuna badan yihiin, dhan loo eegaba hadal iyo hawraar, maanso iyo maahmaah, gabay iyo geeraar, masafo iyo madaddaalo, hees iyo heello, sheeko iyo shararraaxin, qorriin iyo qun-u-hadal, gees loo dayaba waa af hodon ah, oo murti iyo macaan ka buuxaan, qoto dheeri iyo qaayana Eebbe weyne u yeelay, dadka ku hadlaana ku kalsoon yihiin, dantooda iyo waxay doonayaanna ku sheegan karaan. Eray walba oo erayadiisa ka mid ihi wuxuu leeyahay dhowr eray oo la mid ah ama la macno ah. Eray walba waxaa ka abuurma dhawr eray oo kale. Af Soomaaliga wuxuu ka mid yahay afafka looga hadlo Geeska Afrika, welina run ahaan looma oga afka uu la bah yahay. Waxayse leeyihiin nimanka afafka baaraa wuxuu ka mid yahay afafka reer Xaam, gaar ahaan “Kuush”. Xiriir dheerna wuxuu la leeyahay afka Gaallaha. Inkastoo af Soomaaliga aan dhab loo baarin lama oga taariikhdii maansada la billaabay. Gaar ahaan gabayga, oday ma sheegin, wiilna aabbihii kama werin. Haddaba ninkii yiraahda: “Waagaas baa gabay la billaabay ama nin hebel baa billaabay ama ugu horreeyay,” been buu sheegay. Waxaa hubaal ah hadaynu dhab ugu fiirsanno dhismaha guud ee hadalka ama maansada xeerka loo mariyo ama habka iyo hannaanka gabaygu u dhisan yahay iyo sida qof waliba u yaqaan waddada loo maro ama sida deelqaafka iyo laaxinka looga ilaaliyo waxaad garan kartaa inuu af Soomaaligu fil weyn yahay oo taariikh dheer soo maray. Guud ahaan af Soomaaligu wuxuu u kala baxaa hadal iyo murti: 1. Hadal waa erayada qayaxan oo aan taxnayn, jiib iyo luuq midna aan lahayn, warkana laysugu tebiyo. 2. Murtiyina waa erayo taxan oo jiib iyo luuq leh, deelqaaf iyo laaxinna aan lahayn, warkana laysugu tebiyo. Murtidu waxay u kala baxdaa maanso iyo hees. Heesku wuxuu u kala baxaa laba qeybood: hees hawleed iyo hees cayaareed. Hees hawleed waa heeska hawshu lagu qabto, hawshaasu hawl xoolaad ha ahaato ama hawl farsamo ha ahaatee. Hees cayaareedna waa heeskii sacab ama jaanta loo tumo ama durbaan loo garaaco oo looga jeedo farax, maaweello, madaddaalo iwm. Labadaas qaybood oo aanu soo sheegnay haddii la falanqeeyo mid waliba wuxuu noqonayaa bad aan xeeb lahayn iyo berri aan laga hoyan karin iyo biyo aan laga bixi karin. Ujeeddadayadu ma aha inaanu heesaha halakan kaga sheekeyno, tusaale ma’ahe, hasa yeeshee, dulucdu waxay u dhacaysaa qaybta maansada iyo wixii la xiriira. Haddaynu u dhabbagalno maansadu waxay u kala baxdaa toddoba qaybood oo kala duwan, kuwaas oo ah: 1. Gabay 2. Geeraar 3. Masafo 4. Jiifto 5. Weglo 6. Guuroow 7. Buraanbur Toddobadaas qaybood ee maansadu u kala baxdo waxaa calanka u sida gabayga. Siday isu xigaan bay u kala qaaya weyn yihiin. Soomaalidii hore ninka gabyaaga ah iyo gabayguba qaayo weyn iyo qiima badan bay la lahaayeen, dadka dhexdiisana xurmo iyo xarragay ku lahaayeen, xulquun iyo xoolana waa u oggolaayeen, maxaa wacay gabaygu wuxuu ka mid ahaa ciidanka iyo gaashaandhigga dadku ku tala galo. Aan ka soo qaadno iyadoo col la duulinaayo. Waxaa lagama maarmaan ahaan jiray in nin gabyaa ahi colka la socdo. Haddaba, haddii colkaasi soo guulaysto, geelna helo, ninka gabyaaga ah waxaa la siin jiray saami dheraad ah oo loo yaqaan hashii gabay. Guud ahaan af Soomaaligu murtida iyo macaanka waa ka siman yahay, gabayguna waa ugu horreeyaa, waana ugu hana qaadsan yahay, waxaana la moodaa inuu kuwa kale ka qiimo weyn yahay. Dadka maansada tiriyaa, gaar ahaan gabayga waa kala hadallo waaweyn yihiin ama hillinka maansada iyo hogta gabayga waa kala heli og yihiin, danta iyo ujeeddada waa kala abbaari og yihiin. La arkee nin gabyaa ihi inuu meel ku fiican yahay meelna ku liito, meelahaas oo ay ka mid yihiin kuwakani: 1. Ammaanta

Description:
Daraawiishii tahay in le'atay iyo in jiifta iyo in aan itaalba hayn, ayaa colkaas galay, kaas oo .. War maadaa ardaalyahow, arsuqeyga celin kara.
See more

The list of books you might like

Most books are stored in the elastic cloud where traffic is expensive. For this reason, we have a limit on daily download.